Hadaan ahay maanta
- Hadaan ahay maanta
- Mid aan helin guusha
- Hadaan ahay maanta
- Miskiin hurdi waaya
- Hadaan ahay maanta
- Halyeey dubjiraaya
- Hadaan ahay maanta
- Hanad aan waxba haynin
- Hadaan ahay maanta
- Midaan guri haysan
- Hadaan ahay maanta
- Midaan shaqo haynin
- Hadaan ahay maanta
- mideey nolol hiiftey
- Hadaan ahay maanta
- Midaan garab heysan
- Hadaan ahay maanta
- Doob hanfi qaadey
- Hadaan ahay maanta
- Hayaan nin u taagan
- Hadaan ahay maanta
- Miduu hadalkiisu
- Hawaawi tireeynin
- Hohey waxan hiigsan
- Halkuu barre gaarey
- amaan ka huleelo
- Aduun ka hoyaado
- Qabriga la igu hooyo
- Labadaa mid ahayna
- Wallee hanaqeeygu
- Hankeeygu ma yeelo
Abdikafi Cirir
September 13, 2018
Comments