Posts

Showing posts from February, 2019

Geegaarka-Dhaanle Hal-abuur-Abdikafi-Cirir

Image
Dhowr bilo ayaamood Anigaan is dhibinoo Carabkii dhadhabi jirey Dhacan saarey mooyee Dhaxalkii abkeeygiyo Murtidaan dhiteeyn jirey Dhibceheeda sugi jirey Dhawaqiyo astaantii Luuqdii ku dheehneyd Dhaqankii ma xoorine Howlaan dhamaan iyo Waayaa i dhaabaye Balaan caawa dhowr sadar Xinjiriha kasoo dhuro Dhagihiina dogobkaa Ku dhibciyo howraaro Bal inuu rag dhiifani goobaha ku dhaqan yahay Dhurta aan tijaabsado Afartaa dhisaalkiyo Arartii dhaadan weeye Afarkale hadaan dhigo Nin dhacsaaley waayo Dhalandhooley duhurki Dhawr hameena guuraha Dhaxdin geel u joogsadey Dhaankana aroorkiyo Celka dheer dhulka dheer Dhoomaha u qaadoo Maatada dhuljiiftaa Maqashaan dhaqaaq baran Dhuuxiisa ugu hurey Inuu qooyo dhuuntood Fiidkiina dhaaraan Inta dheega xeydsaday Suunkiina dhuujiyey Afar dhuuma qaad iyo Daba dheere tooshah Dhamacdii babiyayoo Ugaarsiga u babac dhigay Orodkana halkuu dhigo Saamuhu dhidbanayaan Doqon aan dhisaal baran Dhinicii ma loodshaa??...