Geegaarka-Dhaanle Hal-abuur-Abdikafi-Cirir


  • Dhowr bilo ayaamood
  • Anigaan is dhibinoo
  • Carabkii dhadhabi jirey
  • Dhacan saarey mooyee
  • Dhaxalkii abkeeygiyo
  • Murtidaan dhiteeyn jirey
  • Dhibceheeda sugi jirey
  • Dhawaqiyo astaantii
  • Luuqdii ku dheehneyd
  • Dhaqankii ma xoorine
  • Howlaan dhamaan iyo
  • Waayaa i dhaabaye
  • Balaan caawa dhowr sadar
  • Xinjiriha kasoo dhuro
  • Dhagihiina dogobkaa
  • Ku dhibciyo howraaro
  • Bal inuu rag dhiifani
  • goobaha ku dhaqan yahay
  • Dhurta aan tijaabsado

  • Afartaa dhisaalkiyo
  • Arartii dhaadan weeye
  • Afarkale hadaan dhigo
  • Nin dhacsaaley waayo
  • Dhalandhooley duhurki
  • Dhawr hameena guuraha
  • Dhaxdin geel u joogsadey
  • Dhaankana aroorkiyo
  • Celka dheer dhulka dheer
  • Dhoomaha u qaadoo
  • Maatada dhuljiiftaa
  • Maqashaan dhaqaaq baran
  • Dhuuxiisa ugu hurey
  • Inuu qooyo dhuuntood
  • Fiidkiina dhaaraan
  • Inta dheega xeydsaday
  • Suunkiina dhuujiyey
  • Afar dhuuma qaad iyo
  • Daba dheere tooshah
  • Dhamacdii babiyayoo
  • Ugaarsiga u babac dhigay
  • Orodkana halkuu dhigo
  • Saamuhu dhidbanayaan
  • Doqon aan dhisaal baran
  • Dhinicii ma loodshaa??

  • Afartaa dhinbilahaa
  • Dhegta kaga xariiqaye
  • Afarkale hadaan dhigo
  • Dhiriftiyo colaadaha
  • Markey xaajo dhabaqdo
  • Geesiga ma dhacahaa
  • La dhigaayo goobtee
  • La isi saaro dhebiyada
  • Ninka dhiidhiye kaca
  • Guutooyin dhowr nina
  • Bilaawaha u dhiibee
  • Awbooska dhiirani
  • Dhugmadiisu qabanee
  • Dharandhaara duulaan
  • Cadowgana dhexda u gala
  • Kabahooda dhuda jara
  • Saanadiyo dhigaalkiyo
  • Waxay dheef ka carareen
  • Kaligiisa soo dhaca
  • Dhahab dhahabta doqontiyo
  • Is dhamaaska aadmigu
  • Dhinicii ma loodshaan?

  • Afartaa dhimbilahaa
  • dhegta kaga xariiqaye
  • waxan uga dhug leeyahay
  • Soomaali oo dhami
  • Dhaqankeeda guunkaa
  • waligeedba dhimashiyo
  • dhaawaca kamay baqin
  • Dhiilada colaadaha
  • Cadawgeedu dheef iyo
  • Kamu helin dhawaansho
  • Waxar goorti laga dhaco
  • Dhiigbaa u daatee
  • keenyaanka dhuusada
  • Dhawaajaaya meelaha
  • Yaa u sheega dhoohane
  • Inu dhaanle noolyahay
  • Ninki dheelmay raanjalis
  • Waashiton dharbaaxshe
  • Dhabad iyo galaadiyo
  • Dirir dhabe iyo harar
  • Inta dhaafey gabigood
  • Adis iyo dhulkeedii
  • Cagihiisa dhigi tagey?


  • Afartaa dhimbilahaa
  • dheegayo xariiqaye
  • Afarkale hadan dhigo
  • Kolka dhidirka aariyo
  • Waraabuhu dhul uu dhaco
  • iney dhabaddu feen iyo
  • Dhuux dhuux u aadaa
  • Dhaqankeeda weeyee
  • Kiinyaati dhalan rogan
  • Dhugmadey ka baqi jirey
  • Inu maanta dhiirado
  • Dhulkeygiyo badeydana
  • balacooda dhirirsado
  • Dhinaceyga yaaliyo
  • Quwadeyda dhimataa
  • Dhuuniga horseedaye
  • Ha ku dhiiradee daa
  • Malag baw u dhaawaqaye

  • Dhibcaheyga maansiyo
  • intan gabaygu dheeraan
  • Waxa aan ku dhuda xirey
  • Hadi geesi dhiifaleh
  • Laga jabiyo dhabarkoo
  • Laga dhaado jeeniga
  • Doqonta u dhawaatoo
  • Hadba dhinac ka riixde
  • umadeyda dhoofkiyo
  • dhulka yurub u raraney
  • somaali dhuuxlaay
  • dhexdeedana u xoog badan
  • dhaga xiran dubaaqlaay
  • Hadal la idinku dhaanshiyo
  • Wacdi idinma dhaamee
  • Anigoon war Dhaafeeyn
  • Sidu dhigay abwaan hore
  • waxan idinku dhihilaa
  • "hadad cadow is dhilatan
  • yuusan dheeli doqonimo
  • dhogortaada liidine
  • dhuux sagaaro oo qura
  • ayaa loogu dhaashtaa"
  • Dhagalada dalkeenana
  • Dhibaatada ka taagani
  • wey ina dhantaashaye
  • Inta aan dhalaankiyo
  • Ubadkeenu dheelmanin
  • Dhexda aan u xiranoo
  • Dhuumo aan u jeexno
  • Qeyraad Dhameystiran
  • Rabibaa na dhaxalshaye
  • Dhulka yaana uga tagin!!

Comments

Popular posts from this blog

Cashless Financial Transactions in Somalia

Welcome Back!