Posts

Showing posts from May, 2019

Nolol Diid, Dadkiina u diid

Image
Isagaa u arradan dadka, duruuf iyo diif aduunyana la caalwaayey.  Nolol diid, dadkiina u diid. ------------------------------------------------------------------------- Go'ii cawlnaa ayaa garbaha u saraan waxaana ka muuqata inuu galbadey noloshana ka himad iyo hammi beeley.  Sidaas oo ay tahay waxbuu dilayaa, daano iyo colaad buu lasoo taagan yahay. daaqna kama helo duunyana uma dhaqna dugaagga baa u cuna xoolaha uu ku xoog iyo xarig beelo, barinkuu dagana daris uma ogola, dab qiiqa iyo dayday iyo dhiilo abid kama daalo.  Wuxuu kula diriraa kuna dilaa ruux walba geeska rida uu ilaashanayo iyo geedka ay daaqeyso, hadey baahato waa uu la baahdaa, hadey dharagtana isagaa baahan. Godobtu waa u geesinimo iyo gobnimo, maalinka uu daano geysto nafna uu dulmiyo dunida uu dhaafsho, waxay u tahay baraaro iyo bogaadin, bariga isaga la maago ee dadkiisa iyo duntiisa mid iisho, waa u baroor iyo barqo weerar. Gabalku haduu dhaco waa dhuumasho iyo inuu cidi...

Mansadii cirbo dhiibsi

https://youtu.be/ekDmtHjQ7hQ