Nolol Diid, Dadkiina u diid






Isagaa u arradan dadka, duruuf iyo diif aduunyana la caalwaayey. 
Nolol diid, dadkiina u diid.
-------------------------------------------------------------------------
Go'ii cawlnaa ayaa garbaha u saraan waxaana ka muuqata inuu galbadey noloshana ka himad iyo hammi beeley. 

Sidaas oo ay tahay waxbuu dilayaa, daano iyo colaad buu lasoo taagan yahay. daaqna kama helo duunyana uma dhaqna dugaagga baa u cuna xoolaha uu ku xoog iyo xarig beelo, barinkuu dagana daris uma ogola, dab qiiqa iyo dayday iyo dhiilo abid kama daalo.

 Wuxuu kula diriraa kuna dilaa ruux walba geeska rida uu ilaashanayo iyo geedka ay daaqeyso, hadey baahato waa uu la baahdaa, hadey dharagtana isagaa baahan.

Godobtu waa u geesinimo iyo gobnimo, maalinka uu daano geysto nafna uu dulmiyo dunida uu dhaafsho, waxay u tahay baraaro iyo bogaadin, bariga isaga la maago ee dadkiisa iyo duntiisa mid iisho, waa u baroor iyo barqo weerar.

Gabalku haduu dhaco waa dhuumasho iyo inuu cidiisa ka dheeraado, dhagaxa iyo howdkuna waa wehelkiisa oo gurigiisa gabaad iyo hooy toona uma dhawaado. 
Hurda dhameystiran ma seexdo oo waqtigu wuxuu ku dhaafaa dhagasoolin iyo jabaq dhageysi. Wuxuu iska dhowrayaa malag, rag inta usoo dhuunta dhiigiisa dhulka ku waraabsha.

Dharaartiina waa dhaanka iyo aroorka xoolaha. Marna waa dhaqanka iyo ilaalada xoolaha soofa. Ka dhaga la' waxay ka dhacaya aduunka, warka ugu badan oo uu dhowraa waa ree hebel iyo dhibtooda iyo intii ka dhimatey.

Dhiiladu waa dhaqan ku abaadey dhexdooda, wuxuu mid u dhintaa dhowr iyo labaatan gu' ka hor dhib ay qabiilo geysatey, dhowr iyo sodon kale dabadeedna midbaa u foogan inuu ka dhiigeeyo dhib dadkiisa loo geystay dharaar hore.

Kii waxdilay lama dilee waxaa loo dilaa walaalkii, abtigii, adeerkii ama awoowgiis. Marbey xad dhaaftaa oo dhalaanka iyo biri mageydada la iska waraa, oo inta askaaxda laga dhigo xoolo iyo xarquun kaleeto lagu goodiyaa laguna faanaa gobonimo iyo sidii aar gaboodyaleh.

Ugu Dambeyn
Dhaqan iyo nolol wey kala dheeraadeen, oo isagaa u arraddan dadka, duruuf iyo diif aduunyana u caalwaayey, misana lalama darso daaqna lalama wadaago oo dil iyo daqar buu nolol ka dhigtey.

Dalkeena hadaan dadkaa wax laga qaban dibna aan loo milicsan duruufahooda, inaan dumeyno shaki kuma jiro.
waxaan dhihilahaa "milil dushiisa lama dhayo", ee dadkaa halaga gaaro.

iyaguna danbeele inagana nagu daarte dhibtooda. 

Nolol diid, dadkiina u diid.

Comments

Popular posts from this blog

Geegaarka-Dhaanle Hal-abuur-Abdikafi-Cirir

Cashless Financial Transactions in Somalia

Welcome Back!