SIMAD

Alif sugan si loo yiri Sadar qura af laga yiri Sumad lala cajiibiyo Suugaantiyo milgaha jira Abwaan waliba saarkii Hibuu eebe siiyee aniguna sitaaciga Samaawaadka oogada Waxaan ahay mid loo surey Curinteeda suugaan Goorteey saxnaantana Sadarada xariirtaa Dhibcaheeda oo sugan Lama seego carabkee Maantana sabiib iyo Susun geed macaan iyo Gole loo sirqaataan Carabkeyga saarine Maqalkiina oo sugan Ila dhuuxa suugaan Simadey ma guurtooy Sahwigii bulshada galay Siliciyo dhibkii jirey kolkii ay sokeeyuhu is dagaal sanaayeen Qarankeeni soomaal cududiisu suushee sabadkana shiisheeyuhu seeraheena soo galay Saldhigyadi aqoontiyo xaruumihi sareeyana sumadood lawada gubey Ilaahii sareeyaa noo kaa sameeyoo simadeey ku keenaye Waligaa istaagnow Simadey ma guurtooy Samanadii xumaa iyo Baryo saamo laylkii duruufihii siloonaa Baad ku saamo qaadoo Dayaxaad la socotoo Qoraxdaad la simantoo Waa sifaalo badantee Sabarkaaga farabadan Cishiriina sanawaat madal...