SIMAD


Alif sugan si loo yiri
Sadar qura af laga yiri
Sumad lala cajiibiyo
Suugaantiyo milgaha jira
Abwaan waliba saarkii
Hibuu eebe siiyee
aniguna sitaaciga
Samaawaadka oogada
Waxaan ahay mid loo surey
Curinteeda suugaan
Goorteey saxnaantana
Sadarada xariirtaa
Dhibcaheeda oo sugan
Lama seego carabkee
Maantana sabiib iyo
Susun geed macaan iyo
Gole loo sirqaataan
Carabkeyga saarine
Maqalkiina oo sugan
Ila dhuuxa suugaan


Simadey ma guurtooy
Sahwigii bulshada galay
Siliciyo dhibkii jirey
kolkii ay sokeeyuhu
is dagaal sanaayeen
Qarankeeni soomaal
cududiisu suushee
sabadkana shiisheeyuhu
seeraheena soo galay
Saldhigyadi aqoontiyo
xaruumihi sareeyana
sumadood lawada gubey
Ilaahii sareeyaa
noo kaa sameeyoo
simadeey ku keenaye
Waligaa istaagnow

Simadey ma guurtooy
Samanadii xumaa iyo
Baryo saamo laylkii
duruufihii siloonaa
Baad ku saamo qaadoo
Dayaxaad la socotoo
Qoraxdaad la simantoo
Waa sifaalo badantee
Sabarkaaga farabadan
Cishiriina sanawaat
madal soo shaqeeysaay
simadey istaagnoow

Simadey ma guurtooy
waxa tahay saboolkiyo
mid sanuuda heeystaa
Madashii simaayoo
Kumanaan siyaasiya
Ganacsiga ku saacida
Seeyniskana ku xeel dheer
Kuwa saxa akoonada
Aaytii su'aal badan
Ayaad suuqa galisoo
soo saartayoo jira
anagana sadkeenad
Qurux noo sameysaye
simadey istaagnoow

simadey ma guurtooy
Dhowr iyo sigaalsano
ubaxii la surayeey
sumadii aqoontaay
sabadkii xoriyadaay
surinkeeni guushaay
Galgaduud anoo sugan
oo sadar tacliin raba
markan sahanka soogalay
saxansaxo i qaadaay
aqoon iyo asluub sugan
saanqaadka quruxdaleh
suugaamo tirintana
sababtaan ku heleyaay
Simadey istaagnoow

Simadey ma guurtooy
hoodiyo tacliin sare
samaan maamul leeyey
suurad gaara leeyeeyey
dagalkeena soomaal
Golihii sameeyaay
sidqi ruuxi sheegana
Subxaan uma caroodee
aniguba sidaan rabo
sadka waxaan u jecelahay
Inaan kugu sugnaadoo
samahaaga badiyee
Simadey istaagnow

Hal-abuur
Abdikafi cirir
31-Octobet 2018

Comments

Popular posts from this blog

Geegaarka-Dhaanle Hal-abuur-Abdikafi-Cirir

Cashless Financial Transactions in Somalia

Welcome Back!